×
Baaqa Ururada Bulshada.

SONSAF Waxay  soo dhawaynaysaa go’aanka maanta ka soo baxay Guddida Doorashooyinka Qaranka ee ay si rasmi ah ugu muddeeyeen doorashooyinka isku-lammaan ee Madaxtooyada iyo Xisbiyada Qaranka JSL  in ay dalka ka qabsoomaan 13 November 2024. 


SONSAF Waxay sidoo kale ku kalsoontahay in Madaxweynaha JSL uu faafinta rasmiga ah ku soo saari doono muddo 15 cisho ah gudahood si waafaqsan Xeerka guud ee doorashooyinka Somaliland Xeer Lr. 91/2023. 


SONSAF waxay ugu baaqaysaa dhammaan saaxiibada Somaliland ee ka taageera doorashooyinku in ay markale si waafi ah u garab-istaagaan Guddida Doorashooyinka JSL si doorashooyinku ugu qabsoomaan wakhtiga la cayimay.


Qabsoomidda doorashooyinku waxa ay saldhig u yihiin nabadgalyo cago-adag ku taagan iyo dimuqraadiyad taabba-gasha, sidaa awgeed, waxa laga maarmaan ah in Somaliland joogtayso doorashooyinka iyada oo meesha laga saarayo dib-u dhacyada aan sharciga waafaqsanayn 


Ugu dambayn SONSAF waxay  u soo jeedinaysaa dhammaan Xisbiyada/ ururada siyaasadda iyo danneeyayaasha Somaliland in loo diyaargaroobo doorashooyinka iyada oo loo tartamayo si xarago iyo xilkasnimo leh.