Xaflada Daahfurka iyo Tijaabada Hanaanka Hubinta Xogta Codbixiyaha

Dalladda guud ee Jilayaasha aan dawliga ahayn ee SONSAF waxa ay hambalyaynaysaa guddida doorashooyinka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo maanta daahfuray hannaan cusub oo lagu hubinayo xogta codbixiyaha maalinta codbixinta (Biometric voter verification system). Hannaankan cusub waxa uu sahlayaa in si dhamaystiran loo hubiyo sugnaanshaha xogta codbixiyaha kahor inta aanu codka dhiiban, si looga hortago in qofna aanu ku codaynin kaadh codbixineed oo aanu lahayn.

Doorashooyin hufan oo xor iyo xalaal ah ayaa si dhimaystiran uga turjumi kara rabitaanka codbixiyayaasha, islamarkaana saldhig u noqon kara doorashooyin ku qabsooma si nabdoon.