Ururrada Bulshada rayidka ah oo Kulan la yeeshay Guddoomiyaha Xisbiga UCID

Saraakiisha sar sare ee ururrada bulshada rayidka ah ee Soomaalilaand ayaa maanta kulan la qaatay guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, kulankan ayaa lagu lafo gurayay Doorashooyinka innagu soo fool leh ee ay ka mid yihiin doorashada madaxwaynaha ee la filayo in ay dhacdo sannadka 2022, , doorashada guurtida iyo furista ururrada siyaasadda.

Kulankan oo ka dhacay xafiiska xisbiga UCID ku leeyahay magaalada Hargeysa ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay qodobbo kale oo ay ka mid yihiin xuquuda aadanaha, nabadgalyada iyo arrimaha bulshada

 

.