Ururrada Bulshada rayidka ah oo Kulan la qaatay Hoggaanka Xisbiga Kulmiye

Saraakiisha  sar sare ee ururrada bulshada rayidka ah ee Soomaalilaand ayaa maanta kulan la qaatay hoggaanka sare ee xisbiga Kulmiye. kulankan ayaa lagu lafo gurayay Doorashooyinka innagu soo fool leh ee ay ka mid yihiin doorashada madaxwaynaha ee la filayo in ay dhacdo sannadka 2022, , doorashada guurtida iyo furista ururrada siyaasadda.

Kulankan oo ka dhacay xafiiska xisbiga Kulmiye ku leeyahay magaalada Hargeysa ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay qodobbo kale oo ay ka mid yihiin ka qayb galka dumarka ee siyaasadda iyo talada dalka, xuquuda aadanaha, nabadgalyada iyo arrimaha bulshada. Xubnaha ururrada rayidka ah ayaa sidoo kale la kulmi doona Madaxda Xisbiga Waddani, Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo madaxweynaha maalmaha soo socda Haddii Alle yidhaahdo