Ururrada bulshada rayidka ah ee Somaliland ayaa maanta kulan la qaatay xisbiga Waddani

Ururrada bulshada rayidka ah ee Somaliland ayaa maanta kulan la qaatay guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Xaji Xasan.

 

kulankan ayaa lagu lafo gurayay Doorashooyinka innagu soo fool leh ee ay ka mid yihiin doorashada madaxwaynaha ee la filayo in ay dhacdo sannadka 2022, doorashada guurtida iyo furista ururrada siyaasadda.

Kulankan oo ka dhacay xafiiska xisbiga Waddani. sidoo kale lagu falanqeeyay qodobbo kale oo ay ka mid yihiin xuquuda aadanaha, nabadgalyada iyo arrimaha bulshada.