SONSAF waxa ay maanta aqoon is waydaarsi ku saabsan hababka casriga ah ee xalinta khilaafaadka iyo dawladnimada u qabatay cuqaal iyo culimada diinta oo ka kala socday

Dalladda guud ee Jilayaasha aan dawliga ahayn ee SONSAF, waxa ay maanta aqoon is waydaarsi ku saabsan hababka casriga ah ee xalinta khilaafaadka iyo dawladnimada u qabatay cuqaal iyo culimada diinta oo ka kala socday gobolada Saaxil, Maroodi Jeex iyo Awdal.


Ujeedada tababarka ayaa ahayd sidii cuqaashu u wadaagi lahaayeen waaya-aragnimadooda, islamarkaana loogu tababari lahaa hababka casriga ah ee loo xaliyo khilaafaadka soo noqnoqda. Waxa sidoo kale cuqaasha iyo madax dhaqameedka lagu tababaray nidaamka dawladnimada iyo sida ay muhiimka u tahay in cuqaashu marka ay ka hadlayaan saxaafadda u ilaalin lahaayeen shuruucda dalka iyo curfiga dawladnimada.


Waxa xusid mudan in tababar kan oo kale ah hore loogu qabtay madax-dhaqameed iyo cuqaal ka kala socota saddexda gobol ee Sool, Sanaag iyo Togdheer.