SONSAF ayaa soo qabanqaabisay kulan aqooneed ku saabsan kaalinta tolmoon ee isticmaalka Baraha Bulshadu

Dalladda Jilayaasha aan dawliga ahayn ee SONSAF ayaa soo qabanqaabisay kulan aqooneed ku saabsan kaalinta tolmoon ee isticmaalka Baraha Bulshadu ka qaadan karo in Haweenku ku guulaystaan Hayaanka siyaasadda.
 
Kasoo qaybgalayaashu waxa ay isku raaceen sida isticmaalka Baraha Bulshadu horseed ugu noqon karo in isbedel ku dhaco saaxadda siyaasadda Somaliland ee ka madhan Haweenka, sidaas darteed waxa ay ka qaybgalayaashu ugu baaqeen Haweenka siyaasiyiinta ah in ay u isticmaalaan Baraha Bulshada gudbinta afkaartooda siyaasadeed islamarkaana kusoo jiitaan taageerayaal la afkaar ah