SONSAF Ayaa Magaalada Caynabo Kulan Is Barasho Ah Iyo Wada Shaqayn Ah Ugu Qabatay Iskaashatooyinka Dumarka Iyo Golaha Deegaanka Ee Degamada

Guddiyada iyo Iskaashatooyinka ganacsiga yaryar ee dumarka ee degmada Caynabo ayaa Kulan is-barasho iyo is-waraysi ah oo ay la yeesheen xildhibaannada golaha deegaanka ee degmada Caynaba ay Dalladda SONSAF ugu qabatay Magaalada Caynaba.
Kulankan oo ujeeddadiisu ahayd is-dhexgalka qaybaha bulshada iyo xubnaha ay u doorteen golayaasha kala duwan ee deegaanka ayaa lagu lafo-guray sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka ka dhexeeya guddiyadan xaafadaha iyo xildhibaannada golaha deegaanka ee degmada si marka ay u baahdaan ay si fudud ugu heli lahaayeen.
Kulankana ayaa sidoo kale lagaga hadlay in guddiyada iskaashatooyinku qayb ka noqdaan habsami u socodka maamulka degmada, inay cashuur bixinta ku dadaalaan, Xildhibaannada golaha deegaanka ee degmaduna in ay dareemaan duruufahaay ku jiraan iyo qaabka ay u shaqeeyaan iskaashatooyinku taasina ay keenayso in xidhiidh fiicani dhex maro labada dhinac.
Dhanka kale Xubnaha xildhibaannada ah ee ka tirsan golaha deegaanka ee degmada Caynaba ee kulanka ka soo qayb galay ayaa soo dhaweeyay kulankan ay dalladda SONSAF soo agaasintay iyaga oo ballanqaaday in ay diyaar u yihiin in ay si fiican ula shaqeeyaan Iskaashatooyinka kala duwan ee degmada Caynabo Islamarkaana ay dhagaha u furi doonaan haddii ay cabasho uga timaaddo dhankooda.
Guddiyada Iskaashatooyinka oo u badnaa Iskaashatooyinka Caanaha, Kuwa Khudaarta, Duxusha iyo ganacsiyada yaryar ee kale dumarku ka shaqaystaan ayaa gabagabadii kulanka, uga mahadnaqay dalladda SONSAF kulankan ay u qabatay ee ay soo gole fadhiisisay xubnaha golaha deegaanka , waxaana ay ku tilmaameen mid ay aad ugu baahnaayeen kana faa’idi doonaan Mustaqbalka dhow.