SONSAF ayaa maanta ku wareejisay Dawladda Hoose ee Magaalada Hargeysa cagacagaf iyo iska-rogo

Dalladda Jilayaasha aan dawliga ahayn ee SONSAF ayaa maanta ku wareejisay Dawladda Hoose ee Magaalada Hargeysa cagacagaf iyo iska-rogo loogu talogalay in ay ka qaybqaataan nadiifiinta suuqa Waaheen.
Dalladda SONSAF waxa ay u mahadcelinaysaa masuuliyiinta Dawladda Hoose ee Hargeysa oo muujiyay karti iyo dedaal fara badan tan iyo intii dabku baabiiyay suuq ganacsiyeedka Waaheen.
SONSAF waxa ay marwalba diyaar u tahay in ay gacan ka gaysato dedaalkasta oo wax ku kordhinaya nolosha iyo wanaagga