kulan wadatashi oo Ururada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland la yeesheen Guddi hoosaadka Golaha Wakiilada ee Arrimaha Gudaha

Dalladda Jilayaasha aan dawliga ahayn ee SONSAF waxa ay maanta soo qaban-qaabisay kulan wadatashi oo Ururada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland la yeesheen Guddi hoosaadka Golaha Wakiilada ee Arrimaha Gudaha, Difaaca iyo Nabadgalyada.
 
Labada dhinac waxa ay isla qireen muhiimadda ay leedahay in Guddi-hoosaadyada Golaha Wakiilada iyo Ururada Bulshada Rayidka ahi ay wada shaqeeyaan.
 
Waxa sidoo kale la isla qaatay in laga wada tashado, lagana wada shaqeeyo samaynta shuruucda si loo sharciyeeyo shuruuc ka turjumaysa baahida bulshada kuna salaysan horumarinta iyo daryeelidda cashuur bixiyayaasha Somaliland.