Dalladda SONSAF ayaa kulan u qabatay Guddiyada Iskaashatooyinka ee Degmada Laascaanood

Dalladda SONSAF ugu qabatay Hotel Casuura ee magaalada Laascaanood.
Kulankan oo ujeeddadiisu ahayd is-dhexgalka qaybaha bulshada iyo xubnaha ay u doorteen golayaasha kala duwan ee deegaanka iyo Baarlamaanka dalka ayaa lagu lafo-guray sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka ka dhexeeya guddiyadan xaafadaha iyo xildhibaannada golaha deegaanka ee degmada si marka ay u baahdaan ay si fudud ugu heli lahaayeen.
Dhanka kale Xubnaha xildhibaannada ah ee ka tirsan golaha deegaanka ee kulanka ka soo qayb galay oo uu hor kacayay Ku-xigeenka duqa degmada Laascaanood Mudane Axmed Maxamed Cumar ayaa soo dhaweeyay kulankan ay dalladda SONSAF soo agaasintay iyaga oo ballanqaaday in ay diyaar u yihiin in ay si fiican ula shaqeeyaan Iskaashatooyinka kala duwan ee degmada Laascaanood, marwalbana albaabkoodu u furan yahay.
Guddiyada Iskaashatooyinka oo u badnaa Iskaashatooyinka Caanaha, Kuwa Khudaarta, Duxusha iyo ganacsiyada yaryar ee kale dumarku ka shaqaystaan ayaa gabagabadii kulanka, uga mahadnaqay dalladda SONSAF kulankan ay u qabatay ee ay soo gole fadhiisisay xubnaha golaha deegaanka , waxaana ay ku tilmaameen mid ay aad ugu baahnaayeen kana faa’idi doonaan Mustaqbalka dhow.