Doorka Haweenka Ee Siyaasadda iyo Horumarinta Arimaha Bulshada ee Gobalka Sool

Dalladda Jilayaasha aan dawliga ahayn ee SONSAF waxa ay maanta ku qabatay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool dood cilmiyeed lagu falanqeeyay doorka Haweenku ku leeyihiin Siyaasadda iyo Horumarinta Bulshada. 
 
Doodda furitaankeedii waxa kasoo qaybgalay masuuliyiin ka socda maamulka Degmada Laascaanood oo uu hogaaminayo Maayarka Magaalada ahna Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Laascaanood Mudane Cabdiraxiim Cali Ismaaciil, Xildhibaanno, Haweenka aqoonyahanka ah, Masuuliyiinta saddexda Xisbi ee Heer Gobol, ardayda Jamacadaha iyo marti sharaf kale.
 
Dood cilmiyeedkan waxa daadihinaysay Marwo Canab Cabdi Xirsi oo ah siyaasiyad iyo aqoonyahand ku nool Magaalada Laascaanood, kana mid ahayd tartamayaashii u tartamay Golaha Wakiilada doorashadii 2021 hase ahaatee aan ku guulaysan.
Intii ay Dooddu socotay waxa lagu lafa-guray qodobbo muhiim ah oo ay ka mid yihiin sidii Haweenku kaalin muuqata uga qaadan lahaayeen:
 
• Talada dalka iyo hogaanka Xisbiyada Siyaasadda ee Somaliland.
• Qaadashada Kaadhka codbixinta marka diiwaangelinta codbixiyayaashu bilaabanto.
• Gurmadka Abaaraha
• Horumarinta arrimaha bulshada sida Caafimaadka, Waxbarashada iyo shaqo-abuurka
• Amniga iyo Nabadgalyada