Dalladda SONSAF oo hoggaaminaysa Ururrada Bulshada rayidka aha ayaa maanta Kulan la qaatay Guddiga arrimaha bulshadsa ee Golaha wakiillada

Ururrada Bulshada rayidka ah ee Somaliland oo ay hoggaaminayso dalladda SONSAF ayaa maanta kulan isbarasho iyo is xog-waraysi ah la qaatay guddiga arrimaha Bulshada ee golaha wakillada Somalialnd. Kulankan aya sidoo kale laysla soo qaaday:
 
1. In xidhiidh toos ahi dhex maro dalladaha ururrada bulshada rayidka, oo ay hoggaaminayso SONSAF iyo Guddiga Arrimaha Bulshada ee golaha wakiillada
 
2. In Guddiga Arrimaha Bulshadu Soo war galiso dhammaan shuruucda golaha la keeno ee khuseeya bulshada si ay ururrada bulshada laftoodu doorkooda uga qaadan lahaayeen ka hor intaan la ansixin xeerarkaa
 
3. In si wada jir ah daraasad loogu sameeyo waxa hor taagan xeerarka aan wali la ansixin sida xeerkii saxaafaddu kadibna looga wada shaqeeyo sidii loo ansixin lahaa.