Dalladda SONSAF Ayaa Soo Agaasintay Kulan Lagu Soo Bandhigayay Warbixin Hordhac Ah Oo Ay Soo Diyaariyeen Ururrada Bulshada Rayidka

Kulan ayaa ayaa wax aka soo qayb galay Komiishanka doorashooyinka Qaranka, xisbiyada qaranka, wasaaradda arrimaha gudaha iyo ururrada SOLJA, SNDF(dalladda naafada qaranka), CPA(xarunta daraasaadka siyaasadda), SOYDAVO iyo dalladda haweenka ee NAGAAD ayaa ugu horrayn waxa kalmaddii furitaanka halkaa ka jeediyay guddoomiyaha dalladda ururrada bulshada rayidka ah EE SONSAF Anwar C.raxmaan Warsame, isaga oo u mahad naqay ururrada ka qayb qaatay sidoo kalena ku dheeraaday ujeeddooyinka laga leeyahay warbixinta xilligan ku soo beegantay

Waxa isna ka warramay doorkii ay wasaaradda arrimaha guduhu ku lahayd doorashooyinkii dadlka ka dhacay agaasimaha waaxda dhaqanka iyo siyaasadda ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Mustafe Ismaaciil Cabdi

Waxa iyaguna halkaa ka hadlay masuuliyiin ka socotay xisbiyada UCID iyo KULMIYE waxaanay yidhaahdeen.

Guddoomiyaha guddida doorashooyinka qaranka Somaliland Cabdirashiid Maxamuud Cali (riyo raac) oo isna hadal dheer goobta ka jeediyay ayaa ururrada bulshada rayidka ah gaar ahaan SONSAF uga mahad naqay kaalintii ay ku lahaayeen doorashooyinkii isku sidkanaa ee dalka ka dhacay, Waxaana hadalladiisii ka mid ahaa.

Gabagabadii waxa halkaa iyaguna hadallo kala duwan ka jeediyay xubno ka socday ururradii ka qayb qaatay soo diyaarinta warbxintan, waxaana halkaa su’aalo lagu weyddiiyay khubaradii soo diyaarisay warbixinta.

Hoos ka daawo Muuqaalka oo dhammaystiran.