Dalladda SONSAF Ayaa Kulan Ugu Qabatay Degmada Laascaadnood Madaxdhaqameedka Iyo Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshada Ku Dhaqan Gobolka Sool.

Kulankan oo ujeeddadiisu ahayd adkaynta nabadgalyada gobolka iyo is-dhex galka Bulshada ayaa Ugu horrayn waxa hadalkii furitaanka halkaa ka so jeediyay guddoomiyaha dalladda SONSAF mudane Anwar Cabdiraxmaan Warsame isaga oo ka warramay doorka SONSAF iyo shaqooyinka kala duwan ee ay qabato sida arrimaha doorashooyinka, maamul wanaagga, adkaynta amniga iyo is-dhexgalka bulshada, waxaanu intaa ku daray in SONSAF sii wadi doonto kulammada noocan oo kale ah isla markaana ay u qaban doonaan qaybaha kale ee bulshada.

Waxa si weyn kulanka loogu lafo guray sidii cuqaasha dhaqanka, waayeelka iyo wax garadka bulshadu qayb uga qaadan lahaayeen adkaynta nabad galyada gobolka isla markaana ay si dhow ula shaqayn lahaayeen laamaha amniga ee gobolka, sida badhasaabka, maayirka iyo ciidammada Booliska.

Kulankan ayaa sidoo kale ka soo qayb galay Wefti ka socdo Xukuumadda JSL, oo ay ka mid ahyeen, Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Warfaafinta Md. Saleeban Yusuf Ali Koore, Wasiirka Gaadiid & Horumarinta Jiddadka, Md. Abdirsak Mahamoud Hatash, Jananka Ciidamadda Qaranka, General Nuh Taani, Gudoomiyaha Gobolka Sool Md. Abdiqani Mahamoud Jiidhe, Mayorka Degmadda Laascaanood, Abdihakim Ali Ismail iyo Saraakiisha Ciidamadda ee kala duwan, kuwaasoo dhammaantooda uga mahadnaqay dalladda SONSAF kulankan ku saabsan adkaynta nabadgalyada iyo isdhexgalka bulshada ee ay u qabatay bulshada laascaanood.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland mudane Maxamed Kaahin Axmed oo halkaa ka hadlay ayaa u mahadnaqay dalladda SONSAF iyo sida ay marwalba matalaysa bulshada rayidka ay kaalin muuqata uga qaadato arrimaha amniga iyo dawlanimada oo marwalba ay kala shaqayso hay’adda dawladeed ee ku habboon.